Muuqaal cusub oo lasoo bandhigay ayaa muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee shaqaalaha markabka MT Honour 25, kuwaas oo ay muddo ku dhow laba bilood gacanta ku hayeen burcad-badeed Soomaali ah. Shaqaalaha markabka ayaa dowladda Pakistan ka codsaday inay dedejiso dadaallada lagu xaqiijinayo sii deyntooda.
Markabka MT Honour 25, oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah oo ay ku jiraan 10 muwaadiniin Pakistani ah, ayaa 21-kii April lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Puntland. Qoysaska dadka la haysto ayaa muujiyay walaac isa soo taraya, iyagoo sheegay in xaaladda gudaha markabka ay si joogto ah uga sii dareyso.
Muuqaalka cusub, Sarkaalka labaad ee markabka, Syed Kashif Umar, ayaa sheegay in shaqaalaha Pakistan ay gacanta ugu jiraan burcad-badeedda muddo 57 maalmood ah, isagoo xusay in cunno yari jirto, qaar ka mid ah shaqaaluhuna ay xanuunsan yihiin. Wuxuu sidoo kale sheegay in milkiilayaasha markabka aysan diyaar u ahayn inay wada xaajood la galaan kooxaha afduubka geystay.
Kabtanka markabka oo u dhashay Indonesia ayaa isaguna dowladda dalkiisa ka codsaday in ay ka qeyb qaadato dadaallada lagu sii deynayo shaqaalaha markabka.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in markabku weli ku xiran yahay xeebaha Soomaaliya, halka wada xaajoodyada lagu doonayo sii deynta la haystayaasha ay socdaan. Sida wararku sheegayaan, dowladda Soomaaliya ayaa xiriir la sameyneysa kooxaha burcad-badeedda iyadoo adeegsaneysa milkiilaha markabka.
Burcad-badeedda ayaa markii hore dalbatay madax-furasho dhan 10 milyan oo dollar, balse markii dambe waxay hoos u dhigeen dalabkooda ilaa 4 milyan oo dollar. Si kastaba ha ahaatee, wada xaajoodyada ayaa weli aan laga gaarin wax heshiis ah.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay mar kale soo baxayaan digniino ku saabsan kororka weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, kadib sanado ay si weyn hoos ugu dhaceen falalka noocan oo kale ah.

