Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wadada uu ku socdo magaynayso Villa Somalia!

Share

Siyaasadda Soomaaliya waxay mar walba u baahan tahay mucaarad adag, aragti leh, isla xisaabtan abuura, isla markaana dhaliisha ku saleeya dan qaran iyo faham qoto dheer oo ku saabsan jihada dalka iyo isbeddellada gobolka. Laakiin marka mucaaradnimadu isu beddesho hadal kulul oo aan lahayn xisaab siyaasadeed oo fog, waxay luminaysaa awooda aad ku gaari karto hoggaan qaran.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur sanad kasta wuxuu isu muujiyaa codka ugu sarreeya mucaaradka. Wuxuu inta badan sheegaa waxyaabaha ay siyaasiyiinta kale ka xishoodaan inay si cad u yiraahdaan, wuxuuna si toos ah u wajahayaa mowduucyada ay qaar badan ka gambadaan. Taasi mararka qaar waxay siin kartaa muuqaal geesinimo siyaasadeed, balse geesinimada keliya ma dhisto karto doonistiisa Villa Somalia.

Weerarradiisii ugu dambeeyay ee Turkiga waxay tusaale cad u yihiin arrintaas. Turkigu maanta waa dal saameyn muuqata ku leh siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska Soomaaliya. In la dhaliilo xiriirka dowladeed waa xaq siyaasadeed, balse weerar toos ah oo aan lagu xisaabtamayn miisaanka istiraatiijiga ah ee Ankara ku leedahay Soomaaliya wuxuu u muuqdaa tallaabo ka fog xisaab siyaasadeed oo bisil. Xitaa mucaaradka kale way ka gaabsadeen arrintan, isaga ayaana kaligiis isu taagay dagaal siyaasadeed oo uu la galay dowlad saamayn xooggan ku leh siyaasada gudaha Soomaaliya. Mucaaradka kale lama dhacsana hab dhaqanka Turkiga balse waxa diidayaan in ay saamayso damacooda siyaasiga ah.

Arrintani ma aha wax cusub. Sanadkii 2021, kooxda Xasan Sheekh waxay si weyn uga soo horjeedeen saameynta Turkiga, inkastoo aysan si toos ah uga hadli jirin. Waxaa la abuuri jiray sheeko siyaasadeed tilmaamaysay in Turkigu Farmaajo u dhisayo ciidan si uu awoodda ugu sii joogo. Si kastaba, eedeymahaas badankood waxaa lagu gudbin jiray dad kale iyo warbaahin, halkii si cad loo qaadan lahaa masuuliyadda hadalka.

Cabdiraxmaan wuxuu mar kale muujiyay qaabkan markii uu fagaare ka sheegay in “Xasan Sheekh Galmudug uma niikinayso sida Koofur Galbeed.” Hadal noocaas ah ma aha dhaliil siyaasadeed oo wax dhiseysa; waa hadal abuuri kara dareen kala fogeyn bulsho iyo cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn, gaar ahaan marka dalka uu wajahayo xasaasiyad siyaasadeed. Warsame waxa uu hadalkiisa ku wayn karaa 70 Cod ee KGS.

Waxaase layaab leh in Cabdiraxmaan uu yahay siyaasi aqoon leh, fahamsan xiriirka caalamiga ah, kana warqaba isbeddellada xawliga ku socda ee dunida, hadana hadalkiisa iyo abaabulkiisa ayaa ka fogaynata Villa Somalia. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay siyaasiinta aqoontooda ku maalgeliya soo saarista aragti cusub, daraasad, iyo talooyin istiraatiiji ah, halkii ay ku mashquuli lahaayeen mucaaradnimo hadal kulul ku kooban.

Mararka qaar waxaa maskaxda ku soo dhacaysa in dalka iyo isaga labadaba ay uga faa’iido badnaan lahayd haddii uu dhisi lahaa machad daraasaad siyaasadeed ama think tank, halkaas oo uu fikirkiisa ku qaabeeyo, kuna soo bandhigo xalal iyo aragti qoto dheer oo bulshada iyo siyaasiyiintuba ka faa’iideystaan.

Villa Somalia laguma gaaro cod dheeri, hadal kulul, ama mucaaradnimo joogto noqotay. Waxaa lagu gaaraa aragti mideyn karta dadka, faham qoto dheer oo ku saabsan danaha dalka, iyo siyaasad dhiseysa kalsooni qaran. Wadada uu maanta ku socdo Cabdiraxmaan Cabdishakuurse uma muuqato mid halkaas gaarsiin karta.

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Ra’iga, waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida iyo tifatirka Inside Somalia.

Aqriso

La Xiriira