Hay’adda gacanta ku haysa Al Shabaabka isi soo dhiiba oo dhaqaale la’aan wajahaysa.

Share

Yosuke Nagai, oo u dhashay Japan, ayaa muddo ka badan toban sano ku hawlanaa taageerada iyo dib-u-dhexgelinta dadka hore uga tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa ka soo goosta kooxda.

Nagai ayaa barnaamijkiisa bilaabay sanadkii 2011, xilligaas oo uu 19 jir ahaa, isagoo markii hore diiradda saarayay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada sababaha dhalinyarada ugu biiraan kooxaha hubeysan. Sanadkii 2013 ayuu bilaabay barnaamij lagu dhaqan-celinayo dhalinyarada ku lugta leh kooxaha burcadda ah, kaas oo markii dambe horseeday iskaashi uu la sameeyo dowladda Soomaaliya.

Hay’addiisa Accept International ayaa tan iyo xilligaas la shaqeysay ku dhowaad 1,700 maxaabiis ah oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab iyo 250 qof oo kooxda ka soo goostay. Barnaamijku wuxuu ka shaqeeyaa xabsiyada iyo xarumaha lagu qaabilo dadka ka soo baxa kooxda, gaar ahaan Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Barnaamijka oo qaata ku dhowaad hal sano ayaa dadka lagu baraa waxbarashada aasaasiga ah, wacyigelin diimeed iyo xirfado ay nolol cusub ku dhisan karaan, sida nijaarnimada, tolidda iyo xirfado kale oo shaqo.

Nagai wuxuu sheegay in dadka qaar ay aad u xagjirsan yihiin markii ay barnaamijka soo galaan, balse qaar badan ay markii dambe noqdaan dad bulshada dhexdeeda ka shaqeeya, iyadoo qaarkood ay noqdeen askar, saraakiil taraafiko iyo farsamayaqaanno.

Mid ka mid ah dadka uu barnaamijku taageeray waa Nur Ali, oo Al-Shabaab ku biiray isagoo 17 jir ah, balse markii dambe la qabtay oo xabsi lagu riday. Intii uu xabsiga ku jiray ayuu la kulmay Nagai, waxaana uu markii dambe noqday qof ka shaqeeya barnaamijyada dib-u-dhexgelinta maxaabiista.

Si kastaba, barnaamijyada noocan ah ayaa wajahaya dhaqaale yari weyn. Qaramada Midoobay oo muddo taageeraysay dadaallada dib-u-dhexgelinta Soomaaliya ayaa joojisay maalgelintii barnaamijyadaas sanadkii 2025, iyadoo warbixin ay soo saartay lagu sheegay in xog la’aanta ku saabsan habka dib-u-dhexgelinta ay hoos u dhigtay kalsoonidii deeq-bixiyeyaasha.

Nagai ayaa sheegay in iyadoo hay’adihii caalamiga ahaa ay ka baxeen arrintan, Accept International ay hadda buuxinayso farqiga ka dhashay, inkastoo baahidu ay aad uga weyn tahay awoodda hay’adda.

Dadka ka soo goosta Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegay in ay jiraan xubno badan oo doonaya inay kooxda ka baxaan, balse aysan garanayn meel ay aadaan ama cid ay u tagaan. Sidaas darteed, taageerada dhaqaale iyo ballaarinta xarumaha dib-u-dhexgelinta ayaa loo arkaa arrin muhiim u ah dhiirrigelinta dadka doonaya inay ka fogaadaan kooxda.

Aqriso

La Xiriira