Iiraan oo beenisay sheegashada Trump ee ku saabsan Marinka Hormuz

Share

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada badda Mareykanku ay si buuxda gacanta ugu hayaan Marinka Hormuz, isagoo sheegay in Washington ay waddo howlgallo lagu gudbinayo maraakiibta ku xayiran marinkaasi.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu isku dayayo inuu xaqiijiyo in maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga ay si ammaan ah uga gudbaan Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu socodka shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah.

Daqiiqado kaddib, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si toos ah u beeniyay sheegashada Trump. Sarkaal ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in haddii madaxweynaha Mareykanku dhab ka yahay hadalkiisa, uu maraakiibta dagaalka ee Mareykanka u soo dhoweeyo marinka, isagoo xusay masaafo dhan 100 kiiloomitir.

Iiraan ayaa muddooyinkii dambe si adag u xakameysay isu socodka maraakiibta ee Hormuz, xilli xiisadda gobolka ay sii xoogeysaneyso. Qaar ka mid ah maraakiibta shidaalka ee isku dayay inay maraan marinka ayaa la kulmay weerarro iyo faragelin ay sameeyeen ciidamada Iiraan.

Maamulka Trump ayaa horey maraakiibta shidaalka ee ku xayiran Hormuz ugu amray inay isku dayaan inay si qasab ah uga gudbaan marinka, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo iska horimaad toos ah oo dhex mara ciidamada Mareykanka iyo Iiraan.

Dhanka kale, hay’adaha amniga badda ayaa digniino cusub ka soo saaray xaaladda, iyagoo maraakiibta shidaalka kula taliyay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah. Waxaa sidoo kale laga digay in daminta qalabka isgaarsiinta iyo nidaamyada lagula socdo maraakiibta ay adkeyn karto in la ogaado halka ay ku sugan yihiin, balse ay sidoo kale kordhin karto khatarta amni ee saaran shaqaalaha iyo maraakiibta.

Marinka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, waxaana maalin kasta mara qeyb weyn oo ka mid ah shidaalka caalamka. Xiisad ka dhalata halkaasi waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa sahayda shidaalka iyo qiimaha tamarta ee suuqyada caalamka.

Aqriso

La Xiriira