Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Baxreyn ayaan ku biirin dowladaha kale ee Khaliijka ee cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku dooneyso inay safaarad cusub ka furato magaalada Qudus.
Wakiilka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa Talaadadii sheegay in tallaabadan ay timid kadib markii Israa’iil ay noqotay dowladdii ugu horreysay uguna keliya ee aqoonsata Somaliland sanadkii 2025.
“Israa’iil sidoo kale waxay safaarad ka furan doontaa Hargeysa, taasoo muujinaysa saaxiibtinimo sii kordheysa, is ixtiraam iyo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya labada shacab,” ayuu yiri wakiilku isagoo ula jeeday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Bariga Qudus ayaa loo aqoonsan yahay dhul la haysto marka loo eego sharciga caalamiga ah. Israa’iil ayaa magaalada ka qabsatay Urdun dagaalkii 1967, balse inta badan dalalka dunida ayaa wali diidan inay u aqoonsadaan caasimaddeeda.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee afar dal oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo kala ah Kuwait, Cumaan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, ayaa ku biiray Masar, Urdun, Türkiye, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Suudaan, Yemen, Lubnaan, Muritaaniya, Aljeeriya, Bangladesh iyo Morocco iyagoo cambaareeyay “tallaabada sharci darrada ah ee aan la aqbali karin ee gobolka isku magacaabay Somaliland uu ku furayo waxa uu ugu yeeray safaarad ku taalla Qudus la haysto.”
UAE iyo Baxreyn oo labaduba xiriir rasmi ah la leh Israa’iil ayaan ku biirin bayaanka cambaareynta ah ee ay daabacday Arab News.
Dhanka kale, xoghayaha guud ee GCC, Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabada safaaradda, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay.
Tan iyo markii Israa’iil aqoonsatay Somaliland, mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa ka hadlay suuragalnimada in Israa’iil saldhig militari ka sameysato halkaas, inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ay hore u beenisay qorshahaas.
Joogitaanka Israa’iil ee Somaliland ayaa siin kara meel dhow oo ay kaga dhowaan karto kooxda Xuuthiyiinta Yemen, kuwaas oo sanadihii dambe weeraro ku qaaday maraakiibta Badda Cas iyagoo sheegay inay uga jawaabayaan dagaalka Israa’iil ka waddo Gaza.
Kooxdu waxa ay dhankeeda ka digtay joogitaan kaste oo Israel ku yeelata “Waqooyiga Soomaaliya in ay ka dhalan doonto cawaaqib xun oo aan horay loo arag”.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse wali waxaa si rasmi ah uga tirsan Soomaaliya marka loo eego Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo inta badan dowladaha caalamka.
Xiriirka UAE iyo Somaliland ayaa soo jiray tan iyo sanadkii 2017, markaas oo Somaliland ay aqbashay codsi Imaaraadku ku doonayay inuu saldhig militari uga sameysto halkaas, iyadoo rajeyneysay in xiriirkaasi uu xoojin doono dadaalladeeda aqoonsi raadinta.
Bilihii Janaayo, Sacuudi Carabiya ayaa UAE ku eedeysay in ay si qarsoodi ah Somaliland ugu daadgureysay hoggaamiyaha gooni u goosadka Yemen, Aidarous al-Zubaidi, oo wajahaya eedo khiyaano qaran ah, kahor inta uusan u gudbin Abu Dhabi.
Soomaaliya ayaa si caro leh uga falcelisay eedeymahaas, iyadoo jartay heshiisyadii ganacsi iyo kuwa militari ee UAE ku lahayd Somaliland, inkastoo dowladda federaalku aysan si buuxda u maamulin gobolkaas.
Si ka duwan Sacuudi Carabiya oo inta badan la macaamisha Muqdisho, xiriirka Abu Dhabi uu la leeyahay Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhisan xiriirka ay la leedahay Somaliland iyo hogaamiyaha maamulka Puntland.

