Pentagon-ka Mareykanka ayaa Talaadadii shaaciyay in kharashka Mareykanka kaga baxay dagaalka Iiraan uu gaaray ku dhawaad $29 bilyan, sida lagu sheegay qiyaaso cusub oo la soo bandhigay intii lagu jiray dhageysiga miisaaniyadda difaaca ee Aqalka Congress-ka.
Tiradan cusub ayaa ka badan qiyaastii hore ee la sheegay, iyadoo afar bilyan oo doolar ay ka sarreyso qaddarkii uu laba toddobaad ka hor sheegay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, kaas oo markaas ku qiyaasay kharashka dagaalka $25 bilyan.
Hegseth iyo Jeneraal Dan Kaine ayaa hadalkan jeediyay xilli ay Congress-ka hortiisa ku difaacayeen codsiga miisaaniyadda difaaca ee sanadka 2027, taas oo gaareysa $1.5 tiriliyan. Intii lagu guda jiray kulanka, xubnaha Congress-ka ayaa si gaar ah u weydiiyay sida kharashka dagaalka Iiraan uu muddo gaaban gudahood kor ugu kacay.
Madaxa maaliyadda Pentagon-ka, Jules Hurst, ayaa xusay in qiyaastii hore ee la shaaciyay Abriil 29 ay ahayd mid ku meel gaar ah, balse dib u eegis lagu sameeyay kharashaadka howlgalka ay muujisay in lacagta dhabta ah ay sare u kacday. Wuxuu sheegay in kooxo saraakiil militari ah iyo falanqeeyayaal maaliyadeed ay weli ku guda jiraan baaritaan iyo xisaab celin dhamaystiran.
Saraakiisha Pentagon-ka ayaa tilmaamay in kororka kharashka uu ka dhashay qiimaha sare ee howlgalada militari, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka, dhaqdhaqaaqa maraakiibta dagaalka, dib u buuxinta kaydka hubka, taageerada saadka, iyo dayactirka qalabka militari ee la adeegsaday intii uu socday dagaalka.
Shaacinta qiyaastan cusub ayaa sii hurisay doodda siyaasadeed ee gudaha Mareykanka, iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha Congress-ka ay walaac ka muujiyeen culayska dhaqaale ee dagaalku ku yeeshay miisaaniyadda dowladda, gaar ahaan xilli maamulka uu dalbanayo miisaaniyad difaac oo taariikhi ah. Pentagon-ka ayaa sheegay in tirada hadda la shaaciyay aysan ahayn tan kama dambaysta ah, isla markaana ay suuragal tahay in kharashka rasmiga ah uu weli is beddelo marka qiimeynta ugu dambeysa la soo gabagabeeyo.

