Khilaafka hogaanka sare ee Galmudug oo markii ugu horaysay banaanka u soo baxay.

Share

Wararka ka imanaya Galmudug ayaa muujinaya in Madaxweyne ku xigeenka Cali Ciid uu si cad u muujiyay taageero uu u hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga wado. Qoraalkiisa Facebook ayuu ku sheegay in nidaamkaas uu yahay mid muhiim u ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan matalaad toos ah, isla markaana Galmudug diyaar u tahay inay la jaanqaaddo hirgelinta nidaamkaas.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa maamulka Galmudug iyo qaar ka mid ah hay’adaha doorashooyinka iyo sidoo kale dowladda federaalka. Wararka siyaasadda ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ka walaacsan yahay faragelin lagu sameeyo awoodo maamulka, taas oo keentay khilaafyo la xiriira magacaabista iyo maamulka amniga, gaar ahaan taliska booliska Galmudug.

Dhanka kale, guddiyada doorashada ee heer federaal iyo kuwa Galmudug ayaa la sheegay inay sii wadaan shaqooyinka la xiriira diyaarinta nidaamka doorashooyinka, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo saameyn kara wada shaqeynta hay’adaha. Arrimahan ayaa muujinaya in weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan sida loo hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sidoo kale fasiraya mowqifka Cali Ciid mid la xiriira dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu ku xoojiyo booskiisa mustaqbalka, iyadoo la sheegay in uu doonayo inuu sii joogteeyo saamayntiisa gudaha maamulka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, arrimahan weli si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana lagu saleeyaa falanqayn siyaasadeed iyo warar isdaba joog ah oo ka imaanaya gudaha gobolka.

Aqriso

La Xiriira