Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ku dhinteen 39 qof

Share

Soddon iyo sagaal qof ayaa ku dhintay maalin kale oo ay Israa’iil duqeymo xooggan ka geysatay Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Hal weerar oo Israa’iil ay ka geysatay magaalada koonfureed ee Saksakiyeh ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan toddobo qof, oo ay ku jirto ilmo yar, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayeen kooxda hubaysan ee Lubnaan ee Hezbollah, ayna “ka warqabaan wararka ku saabsan waxyeelada loo geysto dadka rayidka ah ee aan ku lug lahayn”.

Ciidamada Israa’iil iyo Hezbollah ayaa sii waday inay is dhaafsadaan rasaas tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeya dowladaha Israa’iil iyo Lubnaan 16-kii Abriil.

Inta badan weerarrada cirka ee Israa’iil ayaa ku dhacay koonfurta Lubnaan, iyadoo milatarigu uu sheegay inay weerarayaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo dadka lala xiriiriyo Hezbollah, oo ah maleeshiyada Iiraan taageerto iyo xisbiga siyaasadeed.

Sabtidii, Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan (NNA) ayaa ku warantay duqeymo Israa’iil ka geysatay koonfurta, oo ay ku jirto Saksakiyeh.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in weerarku “uu sababay tiro bilow ah oo ah toddobo shahiid, oo ay ku jirto gabadh, iyo 15 dhaawac ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah”.

Ciidanka Difaaca Cirka ayaa sheegay inay duqeeyeen “argagixisada Hezbollah ee ka howlgala gudaha dhisme loo isticmaalo ujeeddooyin militari” oo ku yaal aagga.

Aqriso

La Xiriira