Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ku gudoomay safiirkii ugu horeeyay Somaliland 36 sano ka dib.

Share

Madaxweynaha Israel Isaac Herzog ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay wakiilka Somaliland ee Israel, Maxamed Xaaji, oo u gudbiyay warqadihiisa aqoonsiga, munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Tel Aviv.

Herzog oo qoraal ku baahiyay bartiisa X ayaa muujiyay sida uu ugu “faraxsanahay in uu qaabilo safiirka ugu horreeya ee Somaliland u fadhiya Israel, Maxamed Xaaji, oo maanta u gudbiyay warqadihiisa aqoonsiga”.

“Safiirka ayaa si wanaagsan uga hadlay kooxda muusiga oo markii ugu horreysay ciyaaray heesta calanka Somaliland gudaha Israel. Iskaashigan cusub ee ka dhex bilaabanaya labada dhinac wuxuu horseedi doonaa mustaqbal wada-shaqeyn ah oo dhinacyo kala duwan ah, taas oo faa’iido u leh labada shacab iyo guud ahaan gobolka.” ayuu yiri.

Madaxweynaha Israel ayaa sidoo kale tilmaamay in Israel ay noqoneyso dalka kaliya ee ilaa hadda si rasmi ah u qaabilay wakiil diblomaasiyadeed oo Somaliland matalaya, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid taariikhi ah oo furaysa bog cusub oo xiriir diblomaasiyadeed ah.

Dhanka Somaliland, munaasabaddan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay xustay 36 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991, xilli uu dalka galay burbur dowladeed.

Inkasta oo Somaliland ay leedahay maamul deggan, doorashooyin iyo nidaam dowladeed oo shaqeynaya, haddana beesha caalamka intiisa badan ayaa weli u aqoonsan gobol ka tirsan Somalia.

Aqoonsiga Somaliland ayaa si rasmi ah loo diiday ama aan laga aqbalin ilaa hadda ururro iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin African Union, United Nations, European Union, iyo Organisation of Islamic Cooperation, iyo sidoo kale dalalka Carabta.

Aqriso

La Xiriira