Tahriibka dhalinta ayaa markale si xawli ah u biloowdey. Inta badan, dhalinta waxaa u fududeeya safarkan mashaqada ah magafayaal Soomaali ah oo ku sugan dalka gudihiisa. Magafayaashaas ayaa balanqaadkoodu yahay inaan dhalinta wax dhaqaale ah aan hadda laga rabin. Qoraalkeeygan waxaan ku faahfaahin doonaa halka uu ka biloowdo safarkan mashaqada ah, gacanta magafaha weyn ee saxaraha iyo halaaga badda oo horseeda dhimasho.
Bilowga Safarka Halaaga:
“Maxaad u dhex joogtaa busaaradan ama meeshaan aad ku wareertey?Meel laga qadeeyo ayaan ku geeyneeynaa. Baasaboor iyo dhaqaale ayaad heleysaa ee soo dhaqaaq. Waxbarashadu waa bilaash. Noqo qurbajoogta berrito. Lacagta gadaal ayaad ka dhiibeeysaa markaad dhiigeeysato.” Dhamaan waa ereyada qalqaaliga huwan oo ay adeegsadaan wakiilada magafaha ee Soomaaliya.
Magafaha Soomaaliga ah ayaa shaqadiisu tahay inuu dhalaanka ku qanciyo tahriibka, ayagoo u sheegaya inay geli doonaan nolol raaxo leh marka ay Yurub tagaan. Marna ma u muujiyaan khatarta dhabta ah ee saxaraha, xabsiyada Libya iyo mowjadaha badda. Xeeladaha magafaha waxaa ka mid ah, in ay isticmaalaan dhalinyaro ay yaqaanaan ama qaraabo la ah oo shabakadan qeyb ka ah. Inta badan, magafayaasha waxay abbaaraan dhalinyarada shaqo la’aanta ah ama si uun u jiyad jabsan. Magafayaashu waxay isticmaalaan aaladaha facebook, Tiktok iyo Whatsapp oo ay ugu gudbiyaan hab xeeladeeysan oo muuqaal soo jiidasho leh wata. Sidoo Kalena, waxaa jira magafayaal xaafadaha degan oo shabakadan u shaqeeya oo shaaha la caba dhalinta, taagana goobaha laga raaco baabuurta dadweynaha.
Hadda Bax Ee Gadaal Ka Bixi Lacagta:
Waxaan la sheekeeystey wiil magaciisa ku soo koobey Mohamed yare oo ii sheegey in markii ugu horeysey uu la soo hadley wiil ay qaraabo yihiin oo Yurub jooga mareyna jidka dheer ee halaaga. Mohamed ayaa ii sheegey inuu mar danbe ogaadey wiilka ay qaraabada yihiin inuu yahay shaqsi ay isticmaalaan magafayaasha. Waxaa Mohamed loo sheegey inuu sameeysto baasaboor Soomaali oo lacagta qidmada uu u soo direy magafe kala soo xiriirey magaalo ka baxsan Muqdisho. Xitaa waa lala fududeeynayay helista basaboorka oo aanan qaadan isbuuc. Bal qiyas sida he’yaddii socdaalka ee dalka looga dhex adeeganaayo! Intaa kadib, Mohamed ayaa ii sheegey inuu goor habeen ah ka soo dhuuntey gurigooda oo uu u hoydey guri loo sheegey inuu ka bilaaban doono safarka halaaga. Wuxuu ii sheegey inuu guriga uu habeenkaas ku hoydey uusan si toos ah u tilmaami karin maadaama ay aheyd goor habeen gudcur ah xiliga laga kaxeeyey gurigooda.
Subaxdii xigtey ayaa laga dhoofiyey airport-ka magaalada oo loo kaxeeyey magaalada Hargeysa. Si sahlan oo aan baaritaan laheyn ayuu ku gudbey dhamaan baaritaanada garoonka. Mohamed ayaa ii sheegey in lacag la is dhaafsanaayey markii uu ka gudbaayey halka lagu hubiyo baasaboorka. Kadibna, Hargeysa wuxuu uga sii gudbey Addis Ababa isla isbuucaas. Mohamed wuxuu ii sheegey intaa wixii ka danbeeyey inuusan aqoon magaalooyinka uu marey inkastoo uu sheegey in Sudan uu uga gudbey saxaraha Libya.
Halkaas ayuu uga biloowdey dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen haraad, gaajo iyo faraxumeyn loo geeysanayo gabdhaha. Wuxuu ii sheegey in saaxiibkiis ay iska raaceen Xamar oo u geeriyoodey haraad iyo oon uu kaga tegey meydkiisa dhulka saxaraha. Aad ayaa loo jirdiley inta badan dhalinta ay wada socdeen. Markii lagu hubsadey hoygii saxda ahaa ee magafaha ayaa la bilaabey jirdilkii runta ahaa iyo xiriirkii ehelada oo la weydiinayo inay soo diraan lacag cadadkeedu aad u sareeyo si ilmahooda jirdilka looga joojiyo loona sii daayo.
Anigoo daba jooga arintan ayaan baaritaano ku sameeyey shabakadan, waxaan xaqiijiyey in telefoonada isku xirka waalidka iyo magafaha ay sameeynayaan dad Soomaali ah oo jooga Soomaaliya.
Magafaha iyo kooxdiisa, qofka ugu horeeya oo ay la xiriiraan waa hooyada dhalaanka ay madax furashada u heystaan. Hooyo waa qofka ugu damqashada badan, baadi-goobana xalka ugu haboon oo ay ku hanan karto ubadkeeda. Reerkan ayaa ku qasbanaada inay ka jawaabaan dalabka magafaha. Baaritaano ay sameeysey he’yadda IOM ayaa lagu sheegey in lacagta madax furashada ay ka timaado: 1% guriga reerka oo la iibiyo, 3% hooyada oo dahabkeeda u iibisa, 5% xoolaha ay reerka leeyihiin oo suuqa loo iibgeeyo, 6% isticmaalka hanti gaar ah, 9% keydka reerka, 17% dhul ay reerka leeyihiin oo la iibgeeyo, 19% deyn, iyo ugu danbeyn 39% oo laga soo aruuriyo qaraabada ama qabiilka.
In badan ayaa la isku dayay in shabakadaan la burburiyo balse, waxaaba inta badan la shaqeeya kuwa ay tahay inay qeyb ka noqdaan burburintooda. “Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane, Aan doonayn inaad heshana, daa’in abidkaaye, Dadkuna moodo duul wada dhashoo, wax u dahsoonayne.”
Haddiiba magafaha laga badbaado, waxaan sahlaneyn in laga badbaado mowjadaha badda oo ay dhalintu isku biimeeyaan. Inta badan, waxaa la isticmaalaa doomo aanan u diyaarsaneyn in badweynta lagu jiiro. Haddiiba Yurub la tagana, ma sahlana in sharci la helo oo dhalinta inta badan waa ka shalaayaan safarkaan mashaqada wata.
Talo walaal: Ka fiirso intaadan falin. Dhulkaaga hooyo wax dhaama la waa. Dhar aadan laheyn dhaxan kaama celiyo. Dal aan dalkaaga aheyn dareen ku joog waaye.
Gunaanad: waa in mushkiladan loo wada istaagaa oo shacab iyo dowladba u wada guntadaan sidii salka looga jari lahaa shabakadaan sheeydaan. Waa muhiim in kor loo qaado ololaha wacyigelinta dhalinta iyo u abuurista fursado horseeda in dhalintu iimaansadaan dalkooda.
W/Q: Mohamed Dahir Farah
Bulshada Rayidka

