Dowladda Mareykanka ayaa u hambalyeysay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Munaasabadda 9-ka May oo ku beegan markii uu xilka la wareegay.
Saraakiisha u metelaysay dawladda Maraykanka xafladan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa sarkaalka sare ee xafiiska arrimaha siyaasadda iyo milatariga ee wasaaradda arrimaha dibadda Stan Brown; Safiirka Maraykanka ee Djibouti, Cynthia Kierscht; iyo Maj. Gen. Matthew Brown, oo ah taliyaha guud ee ciidamada isku dhafka ah ee Geeska Afrika.
Iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Jabuuti ayaa bud-dhig u ahaa dadaalladayada wadajirka ah ee lagu horumarinayo amniga iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.
Mareykanka ayaa rajeynaya inuu sii wado iskaashiga uu la leeyahay Jabuuti.

