Muungaab oo ka dhigay Gobolka Banaadir ganacsi qoys leeyahay.

Share

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa wajahaya dhaliilo la xiriira magacaabisyo loo arko in ay u xaglinayaan xubno qoys iyo ehel dhow xilli uu sheegayo in uu isku diyaarinayo gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Magacaabistii ugu dambeysay waxa uu ku magacaabay Mohamed Shariif, oo ah wiilka qaba gabadha Guddoomiyaha, waxaana loogu magacaabay xilka Madaxa Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, maalmo ka hor waxaa xilka Agaasimaha Imtixaanka iyo Shahaadoonka Maamulka Gobolka Banaadir loo magacaabay Abuukar Maxamed Cumar, oo ah wiil ay walaalo yihiin xaaska Guddoomiyaha.

Labadan magacaabis ayaa kusoo biiray kuwo hore ugu yaabiyay bulshada, iyadoo dadka dhaliila ay ku eedeynayaan Muungaab inuu maamulka Gobolka Banaadir ka dhigay meel ay xilalka ugu badan ku urursan yihiin xubno qoys iyo qaraabo la xiriira. Maamulka Gobolka Banaadir weli si rasmi ah ugama uusan hadlin ceebta iyo fadeexada uu ku hogaamiyo gudoomiye Muungaab.

Aqriso

La Xiriira