Muwaadin Yemeni ah oo lagu magacaabo Fikri Hassan Al-Musbahi ayaa si xun loo tooreeyey xilli uu ku sugnaa gudaha masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo gudanaya salaaddii Jimcaha, sida uu sheegay walaalkiis Mohammed Hassan Al-Musbahi.
Qoyska Al-Musbahi ayaa sheegay in ay si weyn uga murugooden geerida Fikri, iyagoo dhacdada ku tilmaamay fal naxdin leh oo ka dhacay goob cibaado, isla markaana xadgudub ku ah karaamada nolosha aadanaha iyo xurmada masaajidka.
Sida ay qoyska sheegeen, Fikri Hassan Al-Musbahi ayaa hore uga soo shaqeeyay Saldhigga Korontada Al-Mansoura ee magaalada Cadan, ka hor inta uusan u soo guurin Soomaaliya, halkaas oo uu shaqo ka helay shirkad koronto. Waxa uu Soomaaliya u yimid inuu ka shaqeysto oo uu nolol maalmeedkiisa ku taageero qoyskiisa.
Qoysku waxay sheegeen in Fikri lagu yaqaanay akhlaaq wanaagsan iyo sumcad wanaagsan, iyadoo dadka yaqaannay ay ku tilmaameen qof dabeecad wanaagsan.
Sida xogta qoyska, muwaadin Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu dhowr jeer ku tooreeyey Fikri gudaha Masaajidka Suuqa Xayaat, oo ku yaalla degmada Boondheere, taas oo ugu dambeyn sababtay dhimashadiisa.
Qoyska Al-Musbahi ayaa si adag u cambaareeyay dilka, waxayna ugu baaqeen hay’adaha ammaanka iyo maamulka Soomaaliya inay si degdeg ah oo hufan u baaraan dhacdada, si loo ogaado sababta iyo duruufaha ku xeeran, loona marsiiyo sharciga qofka loo qabto falka.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda Yemen, safaaradda Yemen ee Soomaaliya iyo shirkaddii uu marxuumku u shaqeynayay inay si dhow ula socdaan kiiska, isla markaana ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo xaqiijiyo caddaaladda iyo xuquuqda marxuumka iyo qoyskiisa.
Qoyska ayaa sidoo kale codsaday in la dedejiyo dhammaan habraacyada lagama maarmaanka ah si meydka Fikri Hassan Al-Musbahi loogu celiyo Yemen, halkaas oo lagu aasi doono isagoo ay la joogaan qoyskiisa iyo ehelkiisa.
Qoysku waxay carrabka ku adkeeyeen in dalabkoodu yahay caddaalad iyo ku dhaqanka sharciga, ee uusan ahayn aargoosi, iyagoo sheegay in dhacdadani dhaawac ku tahay karaamada muwaadiniinta Yemen iyo xaqooda nololeed iyo amni inta ay ku sugan yihiin dibadda.

