Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ku saabsan khatarta cudurka Ebola, kadib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay sheegtay in xaaladaha cudurka ay sii kordhayaan dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Bayaan ay wasaaraddu soo saartay ayaa shacabka loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana qaataan tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka cudurka. Wasaaraddu waxay caddeysay in illaa hadda aan wax kiis Ebola ah laga diiwaangelin Puntland ama guud ahaan Soomaaliya.
WHO ayaa sheegtay in hadda la diiwaangeliyay ku dhowaad 600 kiis oo looga shakisan yahay Ebola iyo 139 dhimasho oo la tuhunsan yahay, iyadoo la filayo inay tiradu sii kororto maadaama baaritaannada iyo xaqiijinta fayrasku ay waqti qaataan.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, 51 kiis ayaa si rasmi ah looga xaqiijiyay Congo, halka laba kiis laga helay dalka deriska la ah ee Uganda. Waxa uu xusay in faafitaanka nooca Bundibugyo ee Ebola ay u badan tahay inuu billowday laba bilood kahor.
Dr Tedros oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ayaa sheegay in WHO ay Axaddii ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweyne, balse aysan weli gaarsiisnayn heer cudur safmar caalami ah.
“WHO waxay qiimeyneysaa khatarta cudurka inay aad ugu sarreyso heerarka qaran iyo gobol, halka heerka caalamka ay wali hooseyso,” ayuu yiri Tedros.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in Ebola uu yahay cudur fayras ah oo aad u faafa, si degdeg ahna ugu gudbi kara dadka, islamarkaana sababi kara xaalado caafimaad oo halis ah. Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah qandho daran, madax xanuun, daal, murqo xanuun, matag, shuban iyo dhiig bax ka yimaada qeybaha kala duwan ee jirka.
Puntland waxay shacabka ugu baaqday in ay si joogto ah u ilaashadaan nadaafadda gacmaha, ka fogaadaan dadka qaba calaamadaha cudurka, isla markaana si degdeg ah ugu wargeliyaan xarumaha caafimaadka haddii la tuhmo kiis Ebola ah.
Mas’uuliyiinta caafimaadka Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, iyagoo wada shaqeyn la leh WHO iyo hay’adaha kale ee caafimaadka si looga hortago in cudurka uu ku faafo gobolka.

