Lix muwaadiniin u dhashay dalka Morocco oo hore loogu xiray gudaha Somalia ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib in ka badan laba sano oo ay ku jireen xabsi, sida ay sheegeen qoysaskooda iyo Guddiga Wadajirka ah ee Difaaca Maxaabiista Islaamiyiinta.
Lixda nin ayaa toddobaadkii hore gaaray Morocco, waxaana markiiba loo gudbiyay xarunta Central Bureau of Judicial Investigations ee magaalada Salé, halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo duruufihii ku xeernaa xariggoodii ka dhacay maamulka Puntland.
Eheladooda ayaa sheegay in raggan ay maxkamado ku yaalla Soomaaliya hore ugu waayeen dambiyadii loo haystay, balse markii ay ka dageen garoonka Mohammed V International Airport ee magaalada Casablanca, ay mar kale xireen ciidamada ammaanka Morocco si loo sii wado baaritaanno la xiriira kiiskooda.
Bayaan ay soo saareen qoysaska raggan ayaa lagu muujiyay mahadcelin loo jeediyay dowladda Morocco iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay dib usoo celintooda, iyagoo xusay in ay ku jireen xaalado adag oo xabsi dibadda ah.
Qoysasku waxay sheegeen in tallaabadan ay muujineyso masuuliyadda dowladdu ka saaran tahay muwaadiniinteeda, waxayna codsadeen in arrintooda loo eego dhinac bani’aadannimo si loo soo afjaro.
Waxay sidoo kale ku doodeen in maadaama maxkamadaha Soomaaliya ay sii daayeen, islamarkaana ay muddo dheer xabsi ku jireen xaalado adag, ay habboon tahay in si degdeg ah loo sii daayo marka ay dhammaadaan su’aalaha baaritaanka.
Afhayeenka guddiga difaaca maxaabiista Islaamiyiinta, Abderrahim Ghazali, ayaa sheegay in dib usoo celinta raggan ay adkayd sababo la xiriira xaalado siyaasadeed oo ka jiray Puntland inkastoo lagu waayay dambiyadii lagu eedeeyay.
Wuxuu sheegay in dadaallo isdaba joog ah oo ay sameeyeen dadka u doodayay raggan iyo faragelin diblomaasiyadeed oo dowladda Morocco sameysay ay suuragelisay in dib loogu soo celiyo iyagoo soo maray duulimaadyo isku xira Ethiopia iyo Egypt.
Guddigu wuxuu bogaadiyay dowladda Morocco, isagoo muujiyay rajada ah in raggan la sii deyn doono marka baaritaannadu soo dhammaadaan.
Horraantii sanadkii 2024, maxkamad ku taalla Soomaaliya ayaa lixdan nin ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu eedeeyay inay isku dayayeen inay qalalaase ka abuuraan bulshada Soomaaliyeed.
Si kastaba, xukunkaasi waxaa markii dambe buriyay maxkamadda racfaanka, taasoo horseeday in lagu waayo dambiyadii loo haystay, sida ay sheegeen qoysaskooda iyo dadka difaacaya.

