Ciidamada Amniga Puntland ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraha waqooyiga Soomaaliya, kadib markii ay soo baxeen walaacyo la xiriira in kooxdaasi ay dib uga soo kabaneyso cadaadiskii militari ee la saaray sanadkii la soo dhaafay.
Falanqayn cusub oo ay daabacday hay’adda Mareykanka ee Critical Threats Project (CTP) ayaa sheegtay in ciidamada Puntland ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Daacish tan iyo bartamihii bishii April, iyadoo tirada howlgalada la fuliyay bishii May ay u muuqato in ay noqon doonto tii ugu badneyd tan iyo bishii November 2025.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah “Howlgalka Hillaac”, oo Puntland bilowday dabayaaqadii 2024 si ay u bartilmaameedsato Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan buuraha Calmiskaad iyo Golis ee gobolka Bari.
CTP ayaa sheegtay in wejigii hore ee howlgalka uu si weyn u wiiqay awoodda kooxda, iyadoo la dilay ama la qabtay tiro badan oo dagaalyahanno ah, halka kuwii ka badbaaday lagu koobay dooxooyin iyo deegaano kooban oo buuraley ah. Howlgalka ayaa ahaa mid guulaystay marka la eego sida loo jabiyay difaacyadii kooxda oo ku yaalay dhul ay adagtay in ciidanku galaan.
![]()
Si kastaba ha ahaatee, gaabis ku yimid howlgalada dabayaaqadii 2025 iyo bilowgii 2026 ayaa la sheegay inuu kooxda siiyay fursad ay dib isugu abaabusho.
Kooxda ayaa kordhisay weeraradeeda bishii March, waxaana ay sii waday dhaqdhaqaaqyo amni darro ah bishii May kadib hakad gaaban oo dhacay April. Dabayaaqadii March ayay sidoo kale weerar ka fulisay magaalada Boosaaso markii ugu horreysay tan iyo September 2025.
Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dib u soo noolaanshaha kooxda uu ku qasbay Puntland inay mar kale xoogga saarto deegaannada Qandala iyo buuraha ku dhow, halkaas oo la rumeysan yahay in Daacish dib uga dhisatay saldhigyo iyo xarumo hawlgal.
Buuraha adag ee Bari ayaa weli caqabad weyn ku ah ciidamada ammaanka, maadaama dagaalyahannadu ay si fudud ugu kala gudbi karaan godad, dooxooyin iyo dhul fogfog oo ay adag tahay in si joogto ah loo ilaaliyo.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in xiriirrada ay kooxda la leedahay qaybo ka mid ah bulshada deegaanka, xarumaha guurguura ee ay adeegsato iyo baaxadda dhulka buuraleyda ah ay sii adkeeyeen dadaallada lagu doonayo in si buuxda looga ciribtiro.
Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii wada taageerada ay siiyaan ciidamada Puntland, gaar ahaan duqeymaha cirka iyo gaarsiinta sahayda meelaha ay adag tahay in ciidamada dhulka ay gaaraan.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu 6-dii May duqeyn ka fuliyay meel ku dhow buuraha Golis, qiyaastii 75 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.
Hay’adda New America ayaa sheegtay in AFRICOM ay xaqiijisay 63 duqeyn oo laga fuliyay Soomaaliya intii u dhexeysay bilowga sanadkan iyo 29-kii May, inkastoo ay xustay in tirada saxda ah ay adag tahay in la xaqiijiyo maadaama diyaarado iyo quwado kala duwan ay ka howlgalaan hawada Soomaaliya.
Khataraha laga qabo Daacish ee Puntland ma ahan oo keliya arrin gudaha Soomaaliya ku kooban. Sida ay sheegtay CTP, garabka Daacish ee Soomaaliya wuxuu door muhiim ah ku leeyahay isku xirka dhaqaale, tababar, dagaalyahanno ajaanib ah iyo saadka u dhexeeya laamaha kala duwan ee Daacish ee Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah.

Hoggaamiyaha kooxda, Cabdulqaadir Muumin, ayaa muddo dheer ku sugnaa Puntland. Inkastoo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay aaminsan yihiin inuu yahay hoggaamiyaha guud ee Daacish, falanqeeyayaal badan ayaa qaba inuu wali hayo door sare oo kormeeraya laamaha gobolka ee ururka.
Warbixintu waxa ay hoosta ka xariiqday in Puntland ay wajahayso caqabado badan oo is biirsaday, oo ay ka mid yihiin dib u soo laabashada burcad-badeedda, khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka iyo culayska saaran ciidamada badda ee door weyn ku leh la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda.
Khubarada amniga ayaa ka digaya in haddii aan cadaadis joogto ah lagu hayn Daacish, kooxda ay dib ugu beddeli karto buuraha waqooyiga Soomaaliya saldhig muhiim ah oo ay uga hawlgasho gobolka iyo meelo ka baxsanba.

