Arrinta Somaliland oo ka baxday gacmaha Soomaalida waxaana ku hardamaya quwado shisheeye.

Share

Qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo lagu magacaabo Habtom Ghebrezghiabher ayaa maqaal dheer oo uu qoray ku sheegay in xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel uu walaac weyn ku abuuray dowladaha Masar iyo Eritrea, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay si wadajir ah uga soo horjeedaan madax-bannaanida Somaliland iyo saameynta sii kordheysa ee Israel ee Geeska Afrika.

Maqaalka oo cinwaankiisu yahay “Imaanshaha Safiirka Somaliland ee Israel oo walaac ku abuuray isbahaysiga Masar iyo Eritrea” ayuu qoraagu ku sheegay in imaanshaha safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Israel, Maxamed Xaaji, uu yahay tallaabo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah oo xambaarsan fariin siyaasadeed oo xooggan.

Safiirka cusub ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqay in safaaradda Somaliland laga furi doono magaalada Qudus, halka sidoo kale la filayo in Israel ay wakiil diblomaasiyadeed ka furato magaalada Hargeysa. Qoraagu wuxuu sheegay in arrintan ay astaan u tahay xiriir cusub oo si degdeg ah u sii qoto dheeraanaya.

Habtom Ghebrezghiabher ayaa maqaalka ku sheegay in iskaashiga u dhexeeya Masar iyo Eritrea aan loo arkin oo kaliya dadaal lagu xasilinayo Badda Cas, balse uu yahay isbahaysi siyaasadeed oo si weyn diiradda u saaraya ka hortagga madax-bannaanida Somaliland, saameynta Itoobiya iyo joogitaanka sii kordhaya ee Israel ee gobolka.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu marar badan ku eedeeyay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta inay Geeska Afrika ka fulinayaan dano uu Israel leeyahay. Qoraagu wuxuu xusay in warbaahinta iyo xubno taageersan dowladda Eritrea ay Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaameen qayb ka mid ah mashruuc istiraatiiji ah oo Israel ku ballaarinayso saameynteeda gobolka.

Maqaalka ayaa sidoo kale lagu xusay shir saddex geesood ah oo bishii October 2024 ku dhex maray Qaahira madaxda Masar, Eritrea iyo Soomaaliya, kaas oo lagu adkeeyay ilaalinta midnimada Soomaaliya. Qoraagu wuxuu sheegay in kulankaasi muujiyay iskaashi siyaasadeed iyo amni oo si toos ah uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale, qoraagu wuxuu sheegay in Masar ay sii xoojisay xiriirka milatari iyo amni ee kala dhexeeya Soomaaliya, arrintaas oo uu ku macneeyay dadaal lagu xoojinayo dowladda dhexe ee Soomaaliya si looga hortago saameynta Itoobiya iyo fursadaha aqoonsi ee Somaliland.

Dhanka kale, maqaalka ayaa xusay in Eritrea ay muddo dheer qaadatay mowqif adag oo ka dhan ah Israel, iyadoo mararka qaar taageero u muujisay kooxaha kasoo horjeeda Israel iyo sidoo kale iskaashi dhow la yeelatay Iran.

Habtom Ghebrezghiabher ayaa ku dooday in aqoonsiga Somaliland uusan hadda ahayn oo kaliya arrin Soomaali dhexdeeda ku kooban, balse uu isu beddelay loollan weyn oo quseeya awood qeybsiga Badda Cas, Geeska Afrika iyo xiriirrada cusub ee ay gobolka ka sameysanayaan Israel, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Gabagabadii maqaalka, qoraagu wuxuu sheegay in xiriirka Somaliland iyo Israel uu mustaqbalka horseedi karo in dalal kale sida Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo xitaa Mareykanka ay qaadaan tallaabooyin la mid ah kuwa Israel oo ku wajahan Somaliland.

Aqriso

La Xiriira