Somaliland ayaa maanta si weyn uga dabaaldegaysa munaasabadda 18-ka May, oo ku beegan sanad-guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sanadkii 1991.
Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco, Berbera iyo kuwo kale ayaa saaka laga dareemayaa dabaaldegyo ballaaran, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn, islamarkaana la arkayo calanka Somaliland oo si weyn looga suray xarumaha dowladda, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga.
Munaasabaddan sanadkan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo cusub, kuwaas oo la xiriira dadaallada ay Somaliland ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah.
Wararka kasoo baxaya xafiiska madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiisan doona dal shisheeye uu maanta waraaqihiisa aqoonsiga u gudbin doono Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, tallaabadaas oo loo arko mid astaan u noqon karta xiriir diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya.
Warkan ayaa sidoo kale waxaa daabacday warbaahinta Israa’iil ee The Times of Israel, taas oo sheegtay in tallaabadan ay kusoo beegantay isla maalinta xuska 18-ka May.
Somaliland ayaa bartamihii bishii Febraayo u magacawday Maxamed Xaaji safiirkeedii u horreeyay ee u fadhiya Israa’iil. Dhanka kale, Israa’iil ayaa bishii April magacaawday Michael Lotem inuu noqdo safiirkeedii ugu horreeyay ee aan deggenayn ee qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la filayaa inuu maanta khudbad muhiim ah ka jeediyo munaasabadda, taas oo indhaha lagu hayo.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in khudbadda Madaxweynaha ay diiradda saari doonto arrimo ay kamid yihiin siyaasadda dibadda, xoojinta qaranimada Somaliland, iyo suuragalnimada ku dhawaaqista guddi cusub oo ka shaqeyn doona dardargelinta ololaha aqoonsi raadinta.
Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sir Gavin Williamson, oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska isla markaana muddo dheer taageerayay aqoonsiga Somaliland, uu ku sugan yahay Somaliland si uu uga qeybgalo munaasabadda.
Xuska sanadkan ayaa loo arkaa mid leh muhiimad gaar ah, maadaama uu kusoo aadayo xilli ay Somaliland sare u qaaday dadaalladeeda ku aaddan helitaanka aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.

