Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad ka socota Winchester Crown Court, isagoo lagu eedeeyay inuu diyaarinayay falal argagixiso intii u dhaxeysay 1-dii Oktoobar 2024 iyo 5-tii Maarso 2025.
Mohamoud oo Soomaaliya ku dhashay, balse 2020-kii u guuray magaalada Bristol ee Britain, ayaa maxkamadda ka sheegay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish (IS) intii uu Soomaaliya joogay 2025-kii, balse uu diiday inuu qorsheynayay inuu fuliyo fal argagixiso ama uu cid kale ka caawiyo.
Intii uu maxkamadda ka hor hadlayay, Mohamoud ayaa sheegay inuusan horey u ahayn qof si weyn u diinta ugu dhaqma, balse uu bilaabay inuu daawado muuqaallo uu ku tilmaamay kuwo “xagjirnimo” ah oo lagu faafiyo YouTube iyo TikTok.
Waxa uu sheegay in markii dambe uu TikTok ku arkay muuqaal uu ku tilmaamay mid dhiirrigelinayay Daacish, taasina ay saameyn ku yeelatay fikirkiisa.
Mohamoud ayaa qirtay inuu isku dayay inuu ku biiro Daacish, wuxuuna maxkamadda ka sheegay in haddii dambigaas si gaar ah loogu soo oogi lahaa uu qiran lahaa.
Dacwad-oogaha Naomi Parsons ayaa horey maxkamadda ugu sheegtay in Mohamoud uu Janaayo 2025 u safray Soomaaliya, isagoo doonayay inuu Daacish ugu biiro sidii “shahiid”, balse uu ku laabtay Britain horraantii Maarso kadib markii uu ku guuldarreystay inuu gaaro kooxda, sababo la xiriira howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socday.
Dacwad-ooguhu waxay sidoo kale sheegtay in Mohamoud uu adeegsan jiray chatbot AI ah si uu uga caawiyo inuu xiriir la sameeyo xubno Daacish ah oo ku sugan Soomaaliya, isla markaana markii uu Britain ku laabtay uu xiriirka sii waday dad u shaqeeya kooxda.

