Soomaaliya oo soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Koofur Africa.

Share

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kadib markii ay kordheen weerarro iyo rabshado ajnabi naceyb ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ajaaniibta ah ee kasoo jeeda dalalka Afrika iyo Asia.

Safaaradda ayaa ugu baaqday Soomaalida inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana fogaadaan goobaha laga soo sheegay rabshadaha ama khataraha amni, sidoo kalena aysan ka qeyb gelin isu-soo baxyo ama kulamo isu beddeli kara rabshado.

Waxaa sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed lagu wargeliyay inay tixgeliyaan xiritaanka goobahooda ganacsi xilliyada ay xaaladdu kacsan tahay, si loo ilaaliyo nafta iyo hantida.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sare u kaceen mudaharaadyo iyo weerarro ka dhan ah ajaaniibta oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Johannesburg, Pretoria iyo Durban. Kooxo mudaharaadayaal ah ayaa dalbanaya in la adkeeyo sharciyada socdaalka isla markaana dalka laga saaro dadka sharci darrada ku jooga.

Safaaradda Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay si dhow ula socdaan xaaladaha ka jira deegaannadooda, isla markaana ay raacaan tilmaamaha hay’adaha ammaanka ee Koonfur Afrika. Waxay sidoo kale ku baaqday is-dejin, wadajir iyo iskaashi dhexmara Soomaalida ku nool dalkaasi.

Koonfur Afrika ayaa muddo ka badan labaatan sano wajahaysay mowjado soo noqnoqda oo rabshado ajnabi naceyb ah, kuwaas oo inta badan lagu bartilmaameedsado muhaajiriinta iyo ganacsiyada ajaaniibta xilliyada ay jiraan shaqo la’aan, sicir barar iyo cabashooyin la xiriira adeegyada bulshada.

Dhanka kale, guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Shucuubta ayaa bishii April muujiyay walaac weyn oo ku saabsan wararka sheegaya rabshado iyo handadaadyo loo geysanayo muwaadiniinta dalalka kale ee Afrikaanka ah ee ku nool Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa cambaareeyay weerarradaasi, isagoo sheegay in “dad dano gaar ah wata” ay ka faa’iideysanayaan cabashooyinka bulshada si ay u hurriyaan rabshadaha ka dhanka ah ajaaniibta. Wuxuu sheegay inaan dalka Koonfur Afrika boos looga bannaanayn naceybka ajaaniibta, colaadaha qowmiyadeed iyo rabshadaha.

Aqriso

La Xiriira