Uganda oo ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.

Share

Taliyaha Ciidamada Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu dhammaan ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya 1-da Agoosto 2027.

Kainerugaba ayaa qoraal uu 28-ka Agoosto 2026 ku daabacay bartiisa X ku sheegay in wixii ka dambeeya taariikhdaas aysan Soomaaliya joogi doonin wax ciidan ah oo ka tirsan UPDF.

“Waxaan gebi ahaanba ka baxaynaa Soomaaliya 1-da Agoosto 2027. Ma jiri doonaan ciidamo UPDF ah oo Soomaaliya jooga wixii ka dambeeya maalintaas,” ayuu yiri.

Uganda ayaa Soomaaliya ciidamo ka joogtay tan iyo 2007, waxayna muddo ku dhow labaatan sano ka mid ahayd dalalka ugu waaweyn ee taageera howlgalada amniga ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Haddii qorshahan uu dhaqan galo, bixitaanka Uganda wuxuu noqonayaa isbeddel weyn oo ku yimaada joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo Uganda ay ka mid tahay dalalka sida weyn uga qayb qaata howlgalada Midowga Afrika.

Si kastaba, weli ma cadda in taariikhda uu shaaciyay Kainerugaba ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda, ama ay tahay qorshe uu taliyuhu si gaar ah u shaaciyay.

Kainerugaba ayaa horey u sheegay in Uganda ay qorsheynayso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, isagoo sidoo kale bishii Febraayo ka digay in Uganda ay ka bixi karto howlgalka haddii aan xal laga gaarin caqabadaha dhaqaale ee horyaalla howlgalka Midowga Afrika.

Bixitaanka Uganda, haddii uu hirgalo, wuxuu si gaar ah muhiim ugu noqon doonaa mustaqbalka AUSSOM, dagaalka Al-Shabaab iyo awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya, maadaama ciidamada Uganda ay muddo dheer door weyn ku lahaayeen howlgallada amni ee dalka.

Aqriso

La Xiriira