Nin Soomaali ah oo maxbuus dagaal ku ah Ukraine ayaa sheegay inuu ku biiray ciidamada Ruushka isagoo raadinayay nolol iyo mustaqbal ka wanaagsan kii uu Soomaaliya ku haystay, balse markii dambe loo diray meel u dhow furinta dagaalka, isagoo aan helin tababar ciidan oo ku filan.
Ninkan oo Amnesty International ay ugu yeertay “Ahmed” si loo ilaaliyo aqoonsigiisa, ayaa sheegay inuusan hore u lahayn khibrad ciidan, isla markaana uusan si dhab ah u fahamsanayn xaaladda dagaalka Ukraine markii uu ciidanka ku biirayay.
“Shaqo ma haysan, dakhli ma haysan, mustaqbalna ma aanan lahayn,” ayuu yiri, isagoo sheegay inuu doonayay inuu dalka ka baxo, isla markaana qorshihiisu ahaa inuu helo dhalashada Ruushka oo uu halkaas ku noolaado.
Ahmed wuxuu sheegay in loo diray meel u dhow jiidda hore isagoo helay tababar aad u kooban, xitaa mar uu halkaas gaarayna uusan hub wadan. Ugu dambeyn, wuxuu gacanta u galay ciidamada Ukraine, waxaana Amnesty International kula kulantay xero lagu hayo maxaabiista dagaalka.
Warbixinta Amnesty ayaa qeyb ka ah baaritaan lagu sameeyay qorista ajaanibta ee ciidamada Ruushka. Hay’addu waxay sheegtay in qaar badan lagu soo jiito shaqooyin rayid ah, mushahar sare ama ballanqaad dhalasho, iyadoo qaarna la kulmeen khiyaano, cadaadis iyo ka faa’iideysi.
Amnesty waxay sheegtay inay wareysatay 15 ajaanib ah oo ay ku jiraan Soomaali, kuwaas oo laga soo qabtay ciidamada Ruushka. Saddex keliya ayaa sheegay inay si buuxda u ogaayeen in loo diri doono goob dagaal markii ay heshiiska saxiixayeen.
Hay’addu waxay sidoo kale diiwaangelisay tababar ciidan oo kooban, baasaboorrada oo laga qaato qaar ka mid ah askarta iyo hanjabaado loo geysto kuwa doonaya inay ka baxaan adeegga milatari.

