Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay si rasmi ah u go’aansatay in musharraxa xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Galmudug uu noqdo siyaasiga Liibaan Axmed Xasan, kadib wada-hadallo iyo kulamo siyaasadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maanta lagu wado in xarunta dhexe ee xisbiga JSP lagu qabto munaasabad ballaaran oo si rasmi ah loogu shaacinayo taageerada xisbiga ee Liibaan Axmed Xasan, iyadoo la filayo inay kasoo qeyb galaan masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaano, siyaasiyiin iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga talada dalka haya.
Liibaan Axmed Xasan, ayaa la sheegay inuu noqonayo musharraxa rasmiga ah ee ay Villa Somalia u dooratay hoggaanka Galmudug, xilli uu cirka isku sii shareerayo loollanka siyaasadeed ee la xiriira doorashada maamulkaasi oo lagu wado inay qabsoonto bisha July.
Sidoo kale, waxaa weli si xooggan u socda tartanka ku saabsan cidda loo xulanayo musharraxa madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee ay taageerayso dowladda federaalka iyo xisbiga JSP. Siyaasiyiin dhowr ah ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan inay helaan taageerada Villa Somalia, iyadoo kulamo hoose iyo wada-hadallo siyaasadeed ay ka socdaan Muqdisho iyo Dhuusamareeb.
Xogaha siyaasadeed ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii ay u mideyn lahayd siyaasiyiinta taageersan qorshaheeda doorashada Galmudug, si looga hortago khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku yeesha doorashada maamulkaasi.
Dhanka kale, magaalada Dhuusamareeb ayaan weli laga dareemin dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo muuqda, inkastoo siyaasiyiinta iyo dhinacyada kala duwan ay bilaabeen abaabulo hoose oo la xiriira doorashada soo socota. Lama oga weli mowqifka rasmiga ah ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu qaadan doono marka ay soo dhowaato doorashada.
Qoor-Qoor ayaa doonaya inuu mar kale dib ugu soo laabto xilka madaxtinimada Galmudug, halka dowladda federaalka ay u muuqato inay taageero buuxda la garab taagan tahay musharrax cusub, arrintaas oo sababtay inuu sii xoogeysto khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo madaxtooyada Galmudug.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay walaac ka qabto suurtagalnimada in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho doorashooyinka golaha deegaanka iyo baarlamaanka Galmudug ee loo qorsheeyay dabayaaqada June iyo horraanta July, kahor doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay dhacdo 9-ka July.
Si kastaba, dowladda federaalka ayaa la sheegay inay ku guuleysatay inay taageero ka hesho qaar kamid ah saraakiisha amniga iyo hay’adaha dowladda ee Galmudug, halka caqabadda ugu weyn ee hadda taagan lagu tilmaamayo mowqifka ciidamada iyo saameynta siyaasadeed ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb.

