Musharraxiinta Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dr. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Prof. Jawaari) ayaa oggolaaday in ay ka qayb galaan doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, kaddib wadahadallo ay la yeesheen wakiillo ka socday Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wadaxaajoodyada, dhinacyadu waxay isku afgarteen in Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doorto hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, go’aan ay ilo kala duwan sheegeen inuu hore uga soo baxay Villa Soomaaliya.
Dowladda federaalka ah ayaa Baydhabo u dirtay wafdi gaar ah oo uu hoggaaminayo Liibaan Axmed Xasan, oo ka mid ah dadka sida dhow ula shaqeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si ay uga qeyb qaataan dadaallada lagu xallinayo khilaafka hareeyay doorashada.
Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada, iyagoo dalbanayay in la helo jawi ku dhisan caddaalad iyo sinaan ka hor inta aan la guda gelin codbixinta.
Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay ka dhacdo Baydhabo maalinta Arbacada, iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka jirtay maamulkaasi saacadihii la soo dhaafay.

