Yasmin Ansari, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa si adag u dhaleeceysay howlgalka milatari ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ka wado Iiraan, iyadoo ku baaqday in xilka laga qaado Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth.
Ansari ayaa qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay in dagaalka uu sababay dhimashada dad badan oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo askar Mareykan ah.
“Lixdii bilood ee la soo dhaafay, tan iyo markii Donald Trump uu bilaabay dagaalka sharci-darrada ah ee Iiraan, 120 carruur ah ayaa ku dhintay weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen iskuulkoodii,” ayay tiri Ansari.
Waxay sidoo kale sheegtay in 18 askari oo Mareykan ah ay ku dhinteen dagaalka, iyadoo ku eedeysay maamulka Trump inuu shacabka Mareykanka saaray kharashyo dhaqaale oo culus, gaar ahaan qiimaha shidaalka.
Ansari waxay sidoo kale dhaleeceysay Trump iyo qoyskiisa, iyadoo ku eedeysay inay dhaqaale ka heleen maalgashiyo la xiriira shirkadaha teknoolojiyadda difaaca ee qandaraasyada ka hela dowladda Mareykanka.
Xildhibaannaddu waxay sheegtay in Trump iyo Hegseth aysan weli gaarin ujeeddooyinkii ay dagaalka u bilaabeen, iyadoo ku adkeysatay in howlgalka la soo afjaro.
“Askarta aan waxba galabsan, carruurta iyo dadka rayidka ah ayaa naftooda ku waayay sabab la’aan. Dagaalkan waa in la soo afjaraa, Pete Hegseth-na waa in xilka laga qaadaa,” ayay tiri Ansari.
Hadallada Ansari waxay ka tarjumayaan dhaleeceyn siyaasadeed oo ka dhex jirta gudaha Mareykanka oo ku saabsan siyaasadda milatari ee maamulka Trump iyo kharashaadka ka dhashay dagaalka Iiraan.

