Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo muujinaya qorshaha Ankara ee ku aaddan ballaarinta doorkeeda Afrika

Share

Warbixin cusub ayaa sheegtay in Turkiga uu si weyn u ballaarinayo doorkiisa militari, dhaqaale iyo istiraatiiji ee Afrika, iyadoo Soomaaliya loo arko xudunta ugu muhiimsan ee qorshaha Ankara ee qaaradda.

Warbixinta oo lagu daabacay Terrorism Monitor ayaa tilmaamaysa in Turkiga uu 30-kii Janaayo Soomaaliya geeyay diyaaradaha dagaalka ee F-16, si loo xoojiyo saldhigga ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay, loogana taageero Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Sida warbixintu sheegtay, tallaabadan waxay muujinaysaa isbeddel ku yimid siyaasadda amni ee Turkiga, oo markii hore ku koobnayd tababar, dhisidda awoodda iyo talo-bixin militari, balse hadda u muuqata in Ankara ay qaadanayso door si toos ah uga muuqda hawlaha amniga.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Turkiga uu isku dayayo inuu Afrika isu muujiyo inay tahay awood amni oo dabacsan oo lagu kalsoonaan karo, xilli dalal badan oo Afrikaan ah ay yareynayaan ku tiirsanaantooda quwadaha reer Galbeedka, gaar ahaan Faransiiska, Ingiriiska iyo Maraykanka.

Soomaaliya ayaa warbixintu ku tilmaantay tusaalaha ugu muhiimsan ee iskaashiga amni ee Turkiga. Ankara waxay Muqdisho ka hirgelisay saldhigga milatari ee TURKSOM, kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay dibadda, waxaana lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaali ah.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya siiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 iyo Akıncı, diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK, iyo taageero kale oo militari. Intaa waxaa dheer, labada dal waxay 2024 kala saxiixdeen heshiisyo amni iyo difaac oo sii xoojiyay joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay xustay in Turkiga uu sidoo kale dan weyn ka leeyahay kaabayaasha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan garoonka iyo dekedda Muqdisho. Maamulka iyo horumarinta dekedda Muqdisho ayaa Ankara siinaya saameyn ku aaddan marinno ganacsi oo muhiim ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo marinka Bab el-Mandeb.

Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga wuxuu sidoo kale danaynayaa dekedaha iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalal kale oo Afrika ah sida Suudaan, Liibiya, Kenya, Tanzania iyo Senegal.

Warbixintu waxay ku soo gabagabeysay in Soomaaliya ay noqotay udub-dhexaadka istiraatiijiyadda Turkiga ee Afrika. Ankara ayaa isku dayaysa inay isku darto awood militari, iskaashi amni, maalgashi dhaqaale iyo saameyn diblomaasiyadeed, si ay u noqoto awood istiraatiiji ah oo muddo dheer saameyn ku leh amniga iyo siyaasadda Afrika.

Aqriso

La Xiriira