Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha militariga.
Howlgalladan ayaa ka dhacay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab, waxaana fuliyay Guutada 19-aad, Ururka 195-aad ee Kumaandooska Gorgor. Ciidamada ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd xaqiijinta amniga, ciribtirka xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka, iyo ka hortagga khataraha ay ku hayaan shacabka iyo hay’adaha dowladda.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno iyo dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyeen goobihii lagu tuhmayay inay ku sugnaayeen maleeshiyaadka, iyagoo xusay in howlgallada ka socda Shabeellaha Dhexe la sii xoojiyay maalmihii la soo dhaafay.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada ballaaran ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka, laguna baacsanayo dagaalyahannada wali ku harsan aagagga miyiga ah ee gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada isku dhafan ee ka socda gobollada dhexe iyo koonfurta dalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo shabakadaha taageera, isla markaana dib loogu soo celiyo deegaannada ay saameeyeen colaadaha.

