Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka Jabuuti una soo dirtay Soomaaliya, iyadoo dadaal ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa sii deynta muwaadiniin Pakistani ah oo la haysto.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa sheegay in badbaadinta iyo sii deynta dadkaasi ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladda Pakistan.
“Dowladda Pakistan waxa ay mudnaanta ugu weyn siinaysaa sii deynta nabdoon ee dadka la haysto,” ayuu yiri Andrabi oo ka hadlay shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha ahaa.
Afhayeenku wuxuu xusay in Islamabad ay adeegsaneyso waddooyin kala duwan oo diblomaasiyadeed, isla markaana ay kaashaneyso dalal saaxiib ah, ururro maxalli ah iyo dhaqdhaqaaqaha xuquuqda aadanaha ee Ansar Burney, si loo gaaro xal horseeda sii deynta muwaadiniintaasi.
Wuxuu intaas ku daray in wafdiga diblomaasiyadeed ee laga soo diray Jabuuti uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta dhinacyada ay quseyso arrintan.
Dowladda Pakistan ayaan weli shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada muwaadiniinta la haysto iyo goobta rasmiga ah ee lagu haysto, hase yeeshee waxay sheegtay in dadaallada lagu sii deynayo ay weli si xooggan u socdaan.

