Burcad Soomaali ah oo markab shidaal ku weerartay gacanka Cadmeed.

Share

Markab nooca shidaalka qaada ah ayaa 22-kii May ka soo sheegay Gacanka Cadmeed in kooxdiisa ammaanka ay ku qasbanaadeen inay ridaan rasaas digniin ah kadib markii doon yar si shaki leh ugu soo dhawaatay markabkaasi.

Warbixinta ayaa lagu gudbiyay hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO), iyadoo la sheegay in markabka uu marayay meel qiyaastii 98 mayl-badeed u jirta jasiiradda Socotra ee dalka Yemen.

Doon yar oo ay saarnaayeen shan qof ayaa si toos ah ugu soo wajahday markabka, balse ciidamada ammaanka ee saarnaa ayaa rasaas digniin ah furay, taasoo keentay in doontii ay jihada beddesho oo ay ka dhaqaaqdo goobta.

Dhacdadan ayaa noqotay isku daygii saddexaad ee toddobaad gudihiis laga soo sheego gobolkaasi, iyadoo hay’adda Midowga Yurub ee MSCIO ay sheegtay in dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya ay sii kordhayaan.

18-kii May, doon nooca skiff-ka ah ayaa lagu arkay meel u dhow Boosaaso, waxaana la tuhunsanaa inay raadinaysay markab ganacsi oo ay afduubato. Sidoo kale 15-kii May, doon dheereysa ayaa la sheegay inay joojisay doon kalluumeysi, iyadoo ragga saarnaa ay wateen hub u eg AK-47.

Dhanka kale, saddex markab ayaa weli gacanta ugu jira kooxo burcad-badeed Soomaali ah kuwaas oo lagu haysto xeebaha Soomaaliya. Markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25 ayaa la afduubtay 21-kii April, markabka xamuulka qaada ee Sward ayaa la qabsaday 26-kii April, halka markabka Eureka la afduubtay 2-dii May.

Wararka ayaa sheegaya in burcad-badeeddu ay dalbanayaan lacag dhan 3 milyan oo dollar si loo sii daayo markabka Eureka.

Hay’adaha amniga badaha ayaa digniin culus kasoo saaray xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo lagu tilmaamay meelaha ugu khatarta badan xilligan. Maraakiibta ganacsiga ayaa lagu wargeliyay inay ugu yaraan 150 mayl-badeed ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya ama gebi ahaanba ka dheeraadaan marin-biyoodkaasi haddii ay suuragal tahay.

Aqriso

La Xiriira