Soomaaliya oo taageero ka heshay Bangiga Horumarinta Islaamka.

Share

Soomaaliya iyo Kooxda Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) ayaa Jimcihii kala saxiixday qaab-dhismeed iskaashi oo soconaya saddex sano, kaas oo hagaya maalgelin horumarineed oo dhan 45 milyan oo doollar oo Soomaaliya loo qoondeeyay muddada u dhaxaysa 2026 illaa 2028.

Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework) ayaa lagu kala saxiixday magaalada Baku, waxaana dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, halka dhinaca Bangiga Horumarinta Islaamka uu u saxiixay Madaxweynaha Bangiga, Dr. Maxamed Al Jasser.

Heshiiskan ayaa dhigaya qorshe istaraatiiji ah oo hagaya iskaashiga dhinaca maalgelinta horumarinta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaab-dhismeedkan uu waafaqsan yahay mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya iyo qorshayaasha kobaca dhaqaalaha dalka.

Maalgelinta ayaa diiradda saari doonta laba dhinac oo muhiim ah. Midda koowaad waa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.

Dhinaca labaadna wuxuu ku saabsan yahay horumarinta awoodda aadanaha, iyadoo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada farsamada gacanta iyo horumarinta xirfadaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka, isla markaana uu abuuri doono fursado cusub oo lagu maalgeliyo mashaariic wax ka beddel ku sameynaya nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgelinta caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiyada horumarineed si loo taageero dib u dhiska dhaqaalaha dalka kaddib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ay jireen.

Aqriso

La Xiriira