Markii Mareykanku 1-dii Luulyo ku wargeliyay Midowga Afrika inuusan sii maalgelin doonin Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), oo ah laf dhabarta saadka ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), wixii ka dambeeya Diseembar 2026, waxaa si degdeg ah u billowday dood xooggan.
Qaar ayaa saadaaliyay in Soomaaliya ay geli doonto xaalad la mid ah tii Afghanistan, halka kuwo kalena ay ku doodeen in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ay gaareen heer ay si buuxda ula wareegi karaan amniga dalka. Si kastaba, maqaalka ayaa tilmaamaya in labadaas doodoodba ay seegayaan su’aasha ugu muhiimsan.
Su’aasha dhabta ahi ma aha in Soomaaliya burburi doonto marka AUSSOM baxdo, ama in ciidanka qaranku maanta beddeli karo ku dhowaad labaatan sano oo taageero caalami ah. Su’aashu waa in Soomaaliya ay awood u leedahay inay ka gudubto amni ay dibaddu dammaanad qaadayso una gudubto amni ay hay’adaha qaranku si waara u maamulaan.
Saddex marxaladood oo amniga Soomaaliya soo maray
Qoraagu wuxuu sheegay in hawlgallada Midowga Afrika aysan mar walba lahayn hal ujeeddo oo keliya, balse ay Soomaaliya soo martay saddex marxaladood oo kala duwan.
Marxaladdii koowaad (2007 ilaa 2014) waxay ahayd xilli ciidamada Midowga Afrika ay si toos ah u qaadeen masuuliyadda difaaca magaalooyinka waaweyn iyo la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama dowladdii Soomaaliya aysan lahayn awood ku filan.
Marxaladdii labaad waxay ahayd wadaagista masuuliyadda. Kadib markii Al-Shabaab laga saaray magaalooyin badan, AMISOM waxaa loo beddelay ATMIS, dabadeedna AUSSOM. Ujeeddadu ma ahayn oo keliya dagaalka Al-Shabaab, balse waxay ahayd diyaarinta Soomaaliya si ay iyadu ula wareegto amnigeeda.
Marxaladda saddexaad, oo hadda bilaabanaysa, ayaa lagu tilmaamay tan ugu adag. Waxay diiradda saaraysaa in hay’adaha amniga Soomaaliyeed ay si madax-bannaan u ilaashan karaan xasilloonida dalka, iyada oo aan lagu tiirsanayn ciidamo shisheeye.
Sababta Mareykanku u beddelay mowqifkiisa
Maqaalka ayaa sheegay in go’aanka Mareykanku uusan ahayn oo keliya arrin dhaqaale, balse uu ka tarjumayo qiimeyn siyaasadeed oo ku saabsan halka uu marayo isbeddelka Soomaaliya.
Washington ma aysan diidin in Midowga Afrika sii joogo Soomaaliya, mana aysan shaacin inay joojinayso wada shaqeynta amniga. Waxay caddeysay inay sii wadi doonto iskaashiga dhinaca amniga iyo la dagaallanka argagixisada, balse aysan sii maalgelin doonin UNSOS marka oggolaanshihiisu dhammaado dhammaadka 2026.
Mareykanku wuxuu aaminsan yahay in labaatan sano oo taageero iyo balaayiin doollar oo la geliyay kadib, aan weli la gaarin horumarkii la filayay. Waxaa intaas dheer kala qeybsanaanta siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya iyo awoodda ciidanka oo aan weli gaarsiisnayn heerkii qorshuhu ahaa.
Soomaaliya ma la mid baa Afghanistan?
Qoraagu wuxuu ku doodayaa in isbarbardhigga Afghanistan uu yahay mid aan sax ahayn.
Afghanistan waxay si weyn ugu tiirsanayd taageerada militari, sirdoonka iyo dhaqaalaha Mareykanka. Markii taageeradaas si degdeg ah loo joojiyay, waxaa isla markiiba burburay awooddii ciidamada dalkaas.
Soomaaliya, dhanka kale, waxay sannadihii u dambeeyay ballaarisay iskaashigeeda dhinaca amniga. Marka laga soo tago Midowga Afrika, waxaa taageero ka geysta dalal iyo hay’ado kala duwan sida Turkiga, Mareykanka, Midowga Yurub iyo saaxiibbo kale.
Qoraagu wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya maanta aysan ahayn oo keliya Al-Shabaab, balse ay tahay sida hay’adaha dowladda ay u maareyn karaan cadaadiska amni iyagoo aan burburin.
“Dependency Paradox”
Maqaalka ayaa soo bandhigay fikrad uu ugu yeeray “Dependency Paradox”, taas oo ah in taageerada caalamiga ah ay muddo dheer maalgelisay laba nidaam oo is barbar socda.
Hal dhinac waxaa jiray hawlgal si wanaagsan loo maalgeliyo oo ay wadaan ciidamada Midowga Afrika, halka dhinaca kale ciidamada Soomaaliyeed, oo la filayay inay mustaqbalka beddelaan, ay inta badan qaadanayeen mushahar u dhexeeya $200 ilaa $400 bishii, halka ciidamada Midowga Afrika ay heli jireen gunnooyin aad uga sarreeya.
Qoraagu wuxuu ku doodaya in haddii hadafku ahaa in Soomaaliya ay yeelato awood amni oo madax-bannaan, ay habboonaan lahayd in maalgelinta si weyn loogu wareejiyo mushaharka, saadka, tababarka iyo horumarinta ciidamada Soomaaliyeed.
Baahida loo qabo saaxiibbo, ee aan loo baahnayn ilaaliyeyaal
Maqaalka ayaa xusay in dhammaadka AUSSOM uusan macnaheedu ahayn in Soomaaliya kaligeed noqoto ama ay gebi ahaanba ku tiirsanaato dibadda.
Waxa loo baahan yahay waa iskaashi dhisa hay’adaha amniga, halkii uu sii dheereyn lahaa ku tiirsanaanta ciidamo shisheeye.
Qoraagu wuxuu tusaale u soo qaatay Turkiga, isagoo sheegay in Ankara ay xoogga saartay dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan Xarunta Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, tababarka saraakiisha, iskaashiga ciidamada badda iyo la dagaallanka argagixisada.
Si kastaba, wuxuu xusay in Turkiga keliya uusan dammaanad qaadi karin mustaqbalka amniga Soomaaliya, isla markaana Mareykanka, Midowga Yurub iyo saaxiibbada kale ay dhammaantood leeyihiin door muhiim ah, haddii taageeradoodu ay xoojiso madax-bannaanida Soomaaliya.
Gunaanad
Qoraagu wuxuu ku soo gabagabeeyay in dhammaadka AUSSOM uusan noqon doonin xilliga lagu xukumo guusha ama guuldarrada Soomaaliya, balse uu noqon doono imtixaankii ugu adkaa ee lagu ogaanayo in dowladda Soomaaliyeed ay awood u leedahay inay si madax-bannaan u sugto amniga dalka.
Guusha waxay ku xirnaan doontaa dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, ciidan xirfad leh, maalgelin waarta, is-afgarad siyaasadeed iyo iskaashi caalami ah oo xoojiya lahaanshaha Soomaaliyeed, halkii uu beddeli lahaa. Haddii taas lagu guuleysto, dhammaadka AUSSOM wuxuu astaan u noqon doonaa dhammaystirka mid ka mid ah geeddi-socodyadii ugu dheeraa ee dib u dhiska dowladnimada Afrika. Haddii se lagu guuldareysto, waxay caddeyn doontaa in hawlgal nabad ilaalin ahi uusan weligiis beddeli karin hoggaan qaran oo adag iyo hay’ado shaqeynaya.
By Abdirahim Mohamed Hassan, M.A. student in Social Sciences, University of Ankara

