Golaha wasiiradda oo la isku yeeray kulan deg deg ah xilli xaalada siyaasadeed ee wadanka kacsantahay.

Share

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow yeelanaya shir aan caadi ahayn, kaas oo la filayo in lagu dhaqan-geliyo qodobo la xiriira dastuurka cusub, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay gashay marxalad xasaasi ah kadib burburkii ku yimid wada-hadalladii dowladda iyo mucaaradka ee ka socday xerada Xalane.

Shirkan ayaa kusoo aadaya iyadoo Dowladda Federaalka ay si cad ugu adkeysatay in muddo-xileedkeedu yahay shan sano, isla markaana ay qorsheynayso in doorashada dalka lagu qabto nidaamka qof iyo cod, arrintaas oo sii xoojisay khilaafka kala dhexeeya mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeda qaabka ay dowladda u wajahayso isbeddellada siyaasadeed ee socda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wasiirrada lagu wado in si rasmi ah loogu shaaciyo dhaqangelinta dastuurka cusub, iyadoo sidoo kale la filayo in wasiirrada xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ay baneeyaan kuraasta xildhibaanimo ee ay hadda ku fadhiyaan, tallaabadaas oo qeyb ka ah is-waafajinta qaab-dhismeedka cusub ee dowladeed.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in kulanka lagu dhawaaqi karo kordhin lagu sameeyay dhaqaalaha iyo mushaarka ciidamada qalabka sida, taas oo loo arko dadaal ay dowladda ku xoojinayso taageerada hay’adaha amniga xilli uu jiro cadaadis siyaasadeed iyo mid amni.

Dhanka kale, dowladda ayaa sii adkaysay mowqifkeeda ku aaddan bannaanbaxyada iyo isu-soo-baxyada siyaasadeed, iyadoo la sheegayo in la dhaqan-geliyay amarro cusub oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada ay dowladdu u aragto kuwo carqaladeyn kara xasilloonida ama geeddi-socodka siyaasadeed ee cusub.

Mucaaradka ayaa dhankooda wada kulamo iyo wadatashiyo ku saabsan sidii ay uga hortegi lahaayeen tallaabooyinka dowladda, iyagoo ku doodaya in dhaqangelinta dastuurka cusub iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Beesha Caalamka ayaa iyaduna sii kordhisay baaqyada ku aaddan in dib loogu laabto miiska wada-hadalka, iyadoo daneeyayaasha caalamiga ah ay ka digayaan in ismariwaaga siyaasadeed uu dhaawac ku yeesho amniga dalka, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ku wajahan natiijada kasoo baxda, waanwaanta beesha Caalamka shirka Golaha Wasiirrada, maadaama go’aannada halkaas kasoo baxa ay si weyn u saameyn karaan jihada siyaasadeed ee dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda.

Aqriso

La Xiriira