Hay’ad aan dowli ahayn oo Mareykanku maalgeliyo laguna magacaabo Spirit of America ayaa ku dhawaaqday furitaanka xarun wadaag xogeed amni oo u dhexeysa Somaliland iyo Puntland, taas oo laga hirgeliyay magaalada Hargeisa.
Xaruntan oo loogu magac daray “Somaliland–Puntland Fusion Center” ayaa lagu sheegay inay diiradda saari doonto isdhaafsiga xogaha waqtiga-dhabta ah, la socodka khataraha badda, la dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha kale ee amniga gobolka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka hay’adda, xaruntan waxay fududeyn doontaa wada shaqeyn amni oo dhex marta maamulka Somaliland iyo Puntland, xilli ay sii kordhayaan walaacyada caalamiga ah ee ku saabsan amniga Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay xiriirka iyo taageerada dhinaca amniga ee uu si gaar ah ula leeyahay Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka ah.
Spirit of America waxaa la aas aasay kadib weeraradii 11-kii September 2001, iyadoo hay’addu sheegto inay taageerto ciidamada iyo diblomaasiyiinta Mareykanka ee ka howlgala caalamka, isla markaana ay ka shaqeyso faafinta qiyamka Mareykanka.
Wararka ku saabsan xaruntan cusub ayaa dhalisay dood ku saabsan doorka sii kordhaya ee Mareykanka ee gudaha Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay u arkaan tallaabadan faragelin cusub oo ku wajahan arrimaha Soomaaliya.
Sidoo kale, ilo kale ayaa sheegaya in hay’addan ay taageero dhaqaale ka hesho ganacsato Israeli-American ah, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xogtaasi.
Dhanka kale dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa si wayn uga soo horjeestay in Puntland xafiis ku yeelato Hargaysa iyagoo sheegay in Puntland wada shaqayn dhexmari karto oo kaliya hadii ay ka go’do Soomaaliya balse aysan hada haboonayn in la furo saldhig wadajir ah.

