Maraykanka oo raadinaya quburo fahamsan dhaqanka, Qabiilada iyo Siyaasada Soomaalida.

Share

Ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa raadinaya qandaraaslayaal bixiya khibrad ku saabsan siyaasadda Soomaaliya, dhaqanka bulshada, iyo qaab-dhismeedka beelaha. Codsi shaqaaleysiin ah oo ay dabayaaqadii bishii May soo saartay Ciidanka Hawlgalka Gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya (JSOTF-SOM) ayaa lagu doonayaa saddex la-taliye oo dhanka dhaqanka iyo siyaasadda ah, kuwaas oo la shaqeyn doona maamullada maxalliga ah iyo odayaasha beelaha, isla markaana bixin doona adeegyo turjumaad iyo talooyin la xiriira xaaladaha gudaha dalka.

Qorshahan ayaa muujinaya sida Mareykanku muhiimad gaar ah u siinayo fahamka dhaqanka, taariikhda, iyo xaaladaha bulsho ee Soomaaliya, xilli joogitaankiisa militari ee Afrika uu si weyn u yaraaday. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa la sheegay in tiradooda ay hoos u dhacday qiyaastii 75%, arrintaas oo saraakiisha militarigu ku tilmaameen inay abuurtay “farqi xog-ogaaleed” oo saameyn ku yeeshay uruurinta sirdoonka iyo la socodka kooxaha hubeysan.

Taliyaha AFRICOM, Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa hore u sheegay in dhimista ciidamada ay wiiqday awoodda sirdoonka Mareykanka ee qaaradda, gaar ahaan meelaha ay weli khatarta ka yihiin kooxaha xagjirka ah sida Daacish.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowaan oggolaaday weerar militari oo lagu dilay Abu-Bilal al-Minuki, oo ahaa sarkaalka labaad ee ugu sarreeya Daacish ee gobolka Harada Chad. Inkastoo goobtaasi ka fog tahay Soomaaliya, haddana dhacdadu waxay muujineysaa weli jiritaanka khatarta kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala Afrika.

Soomaaliya ayaa weli ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka howlgalaan kooxaha Islaamiyiinta hubeysan sida Daacish iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. Inkastoo ciidamadii Mareykanka ee dhulka joogay la dhimay, haddana duqeymaha cirka ee Mareykanka ayaa si weyn u kordhay. Warbixintu waxay sheegtay in sanadkii 2025 la fuliyay 124 duqeyn, halka sanadkii 2024 ay ahaayeen 10 duqeyn oo keliya.

La-taliyeyaasha cusub ee la shaqaaleysiinayo ayaa saldhiggoodu noqon doona magaalada Mogadishu, waxaana looga baahan yahay inay haystaan rukhsad amni oo heer sare ah (Top Secret Clearance). Shaqadoodu waxay ku lug yeelan doontaa safarro joogto ah oo ay ku tagayaan meelo kala duwan oo Soomaaliya ah, iyo sidoo kale dalalka Djibouti iyo Kenya, iyagoo ka shaqeyn doona deegaano adag oo mararka qaar khatar amni leh.

Qandaraasyadan cusub ayaa la qorsheeyay inay bilaabmaan bisha Sebtembar, taasoo muujinaysa in Mareykanku weli sii wado dadaallada uu ku fahmayo xaaladaha siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya, si uu ula tacaalo caqabadaha amni ee ka jira dalka iyo gobolka.

Aqriso

La Xiriira