Trump oo dhalashada kala laabanaya nin Soomaali ah.

Share

Nin Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ayaa ka mid noqday 17 qof oo dowladda Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump ay dooneyso in lagala noqdo dhalashada Mareykanka, taas oo qeyb ka ah olole cusub oo lagu ballaarinayo kiisaska ka xayuubinta muwaadinimada dadka dhalashada qaatay.

Abdikadir Kadiye, oo 54 jir ah, ayaa wajahaya dacwad madani ah oo uu gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha federaalka ee Minnesota. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay inuu si sharci-darro ah ku helay dhalashada Mareykanka, isla markaana uu qariyay xog muhiim ah intii uu ku jiray hannaanka jinsiyadda.

Sida ku cad dacwadda, Kadiye ayaa sanadkii 1997 isku dayay inuu dalka ku soo galo aqoonsi kale isagoo isticmaalay magaca Liban M. Degel, wuxuuna markaas sheegay inuu xaas leeyahay balse uusan carruur lahayn. Codsigaas ayaa la sheegay in la diiday, balse sanadkii xigay ayuu gudbiyay codsi kale oo uu ku isticmaalay magaca Abdikadir Kadiye. Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale sheegay inuu mar qirtay inuu isticmaalay laba aqoonsi oo kala duwan intii uu ku jiray hannaanka socdaalka.

Dacwaddan ma aha xukun dembi, Kadiye ayaana xaq u leh inuu maxkamadda iska difaaco. Haddii dowladda Mareykanka ay ku guuleysato kiiska, wuxuu waayi karaa dhalashada Mareykanka, taas oo dib ugu celin karta xaaladdii socdaal ee uu lahaa ka hor inta uusan muwaadin noqon.

Sharciga Mareykanka ayaa dowladda u oggolaanaya inay maxkamad ka dalbato in dhalashada lagala noqdo qof ku dhashay dal kale oo muwaadin noqday haddii la caddeeyo inuu muwaadinimada ku helay khiyaano, xog qarin ama been uu ka sheegay codsigiisa.

Kiisaska noocan ah ayaa taariikh ahaan aad u yaraa, hase yeeshee maamulka Trump ayaa hadda si weyn u ballaarinaya ololahan, isagoo sheegay inuu beegsanayo dadka lagu tuhunsan yahay inay si khaldan ku heleen jinsiyadda ama ay qariyeen dambiyo culus.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 16-ka qof ee kale ee ku jira ololahan lagu eedeynayo dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xadgudubyo galmo oo ka dhan ah carruur, dambiyo daroogo, khiyaano maaliyadeed iyo been-abuur socdaal.

Kiiska Kadiye ayaa si gaar ah u soo jiitay indhaha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli maamulka Trump uu adkeeyay siyaasadaha socdaalka, isagoo ballanqaaday inuu si adag ula dagaallami doono dadka lagu eedeeyo inay si khaldan ku heleen sharci ama dhalasho Mareykan ah.

Aqriso

La Xiriira