Wada hadalo xasaasi ah oo Xalane uga bilaawday Mucaaradka iyo Villa Somalia.

Share

Wada-hadalladii ugu horreeyay oo ay garwadeen ka yihiin wakiillo reer galbeed ah, una dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, iyo sidoo kale maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa lagu wadaa inay maanta ka furmaan gudaha xerada Xalane ee Muqdisho.

Dhinacyada mucaaradka waxaa kulanka maanta ku matalaya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Ka hor inta aysan si rasmi ah u billaaban wada-hadallada fool-ka-foolka ah, waxaa la filayaa inuu qabsoomo kulan gaar ah oo wada-tashi ah oo dhex mara Madaxweyne Deni, oo shalay soo gaaray Muqdisho, iyo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, si ay isugu afgartaan mowqif mideysan oo ay ku galaan shirka.

Dadka si dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya ayaa qabsoomidda wada-hadalladan ku tilmaamay tallaabo muujinaysa in xaaladdu gaartay heer cadaadis siyaasadeed oo dhinacyada ku riixaya inay si dhab ah uga wada xaajoodaan geeddi-socodka doorashooyinka dalka. Tani waxay imaaneysaa kadib markii dadaalladii hore ee dhexdooda ahaa ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen, iyadoo kalsooni darro xooggan ay ka dhex jirto dhinacyada, gaar ahaan mucaaradka oo marar badan ku celceliyay inaysan kalsooni ku qabin hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkasta oo aan la filayn heshiis degdeg ah, haddana wada-hadalladan ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo albaab u furi karta isu soo dhowaanshaha aragtiyada siyaasadeed ee labada dhinac, gaar ahaan marka laga hadlayo nooca doorasho ee dalka loo jihaynayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku eedeynayaan qorshahaas inuu yahay hannaan aan loo dhanayn. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mucaaradku markii ugu horreysay miiska soo saari doonaan hindise rasmi ah oo ku saabsan nooca doorasho ee ay u arkaan mid la isla qaadan karo.

Aqriso

La Xiriira