Xasan Sheekh ma waxa uu doonayaa dowlad Muqdisho ku kooban oo caalamku aqoonsan yahay?

Share

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa wajahaya dhaliilo siyaasadeed oo isa soo taraya, kadib markii dowladda federaalka ay si weyn u adkaysay amniga magaalada Muqdisho isla markaana xoogga saartay gacan ku haynta caasimadda iyo deegaannada ku dhow dhow. Dowladda ayaa muddooyinkii u dambeeyay la wareegtay buundooyinka muhiimka ah ee laga soo galo Muqdisho, iyadoo sidoo kale xoojisay amniga waddooyinka isku xira caasimadda iyo deegaannada u dhexeeya wabiga Shabeelle iyo xeebaha Badweynta Hindiya.

Tallaabooyinkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhexeeya maamullada Puntland iyo Jubaland, halka ciidamada dowladda sidoo kale si weyn loogu daabulay deegaannada Koofur Galbeed Soomaaliya, Hirshabelle iyo Galmudug. Dowladda ayaa sheegaysa in tallaabooyinkaas ay qeyb ka yihiin qorshe lagu sugayo amniga qaranka iyo hirgelinta nidaamyo amni oo mideysan, balse mucaaradka iyo qaar kamid ah falanqeeyayaasha ayaa qaba in awoodda dowladda ay si tartiib ah ugu soo urureyso Muqdisho oo keliya.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa si adag u dhaliilay jihada siyaasadeed ee dowladda, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu “difaac adag ku soo wareejiyay Muqdisho” islamarkaana uu si weyn diiradda u saarayo caasimadda halkii uu ka xoojin lahaa dowladnimada guud ee dalka. Wuxuu su’aal geliyay in Xasan Sheekh uu yahay “guddoomiyaha Muqdisho” mise “madaxweynaha Soomaaliya,” hadal si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo fagaarayaasha siyaasadda.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in dowladii hore lagu cabsiin jiray Puntland iyo Jubbaland ayaa go’aya balse hada uusan dan ka lahayn Xasan Sheekh Maxamuud doodahaas uuna diirada saarayo Muqdisho iyo deegaanada ku dhow. Dhankiisa madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Xasan Sheekh ku sifeeyay “shaqsiga ka masuulka ah kala go’aynta iyo kala taga dadka Soomaaliyeed”.

Dowladda Faderaalka ee hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa si wayn loogu amaanay wax ka qabashada amniga Caasimadda Soomaaliya oo mar xudun u ahayd weerarada argagixisada waxaana hada ka socda maalgashi balaaran iyo korar dhaqaale oo ay hormuud u yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhaliilahan ayaa kusoo aadaya iyadoo Soomaaliya ay wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran, khilaafyo federaal ah, iyo dagaal weli ka socda qaybo kamid ah dalka oo lala jiro Al-Shabaab. Dadka naqdiya dowladda waxay sheegayaan in maamulka Xasan Sheekh uu mudnaanta siinayo ilaalinta xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha, dekedda Muqdisho iyo waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, halkii uu xoogga saari lahaa dib-u-dhiska maamul qaran oo gaara dhammaan gobollada dalka.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa isbarbardhig ku sameeyay xaaladda Soomaaliya iyo dalal ay kamid yihiin Libya iyo Yemen, halkaas oo ay ka jiraan dowlado ay beesha caalamku aqoonsan tahay balse awooddoodu ku koobantahay magaalooyin ama deegaano cayiman. Aragtidan waxay dhalisay dood ku saabsan in dowladda federaalka Soomaaliya ay u dhaqaaqeyso qaab la mid ah dowladahaas, iyadoo xoogga saaraysa caasimadda si ay u sii haysato aqoonsiga iyo taageerada caalamiga ah inkastoo khilaaf siyaasadeed iyo amni uu ka jiro gobollo badan.

Dhanka kale, taageerayaasha dowladda ayaa si adag u diidan eedeymahaas. Waxay ku doodaan in Muqdisho ay tahay wadnaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, islamarkaana dowlad kasta ay waajib ku tahay inay marka hore sugto amniga caasimadda. Waxay sidoo kale tilmaamayaan in ciidamada dowladda ay hawlgallo ka wadaan gobollo kala duwan, islamarkaana dowladda federaalka ay weli tahay maamulka keliya ee caalamku u aqoonsan yahay dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, doodda ku saabsan jihada siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii xoogeysanaysa, gaar ahaan xilli uu khilaaf adag kala dhexeeyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka siyaasadeed. Su’aasha taagan ayaa noqotay: Dowladda Federaalka Soomaaliya ma waxay dhiseysaa dowlad qaran oo mideysan, mise waxay si tartiib ah ugu sii urureysaa caasimadda Muqdisho oo keliya si ay u sii haysato sharciyadda iyo aqoonsiga caalamiga ah?

Aqriso

La Xiriira